Faysal Cali Waraabe ” Muuse Biixi haku dhawaaqo xabad joojin deg deg ah “

Hargaysa ( Raxanreeb )  Waxaa wali sii socda dagaalka u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kooxaha kacdoonka ee diidan in ay hoostagaan Soomaaliland , iyadoo aysan jirin wax waan waan ah oo socota ilaa iyo hadda isla markaana dhaqan gal noqday.

Xubnaha mucaaradka ah ee Somaliland ayaa sheegay in ay muhiim ay tahay in maamulka Muuse Biixi Cabdi uu ku dhawaaqo xabad joojin.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in la joogo markii wax kasta lagu dhamayn lahaa wada hadal , xukunka hadda jirina uu furo wado lagu wada- hadli karo.

“Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah ” ayuu yiri“ Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Muuse Biixi Cabdi in xukuumadiisa ay fududayso gargaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay,  ee dhibaatadu ku haysto deegaano Sool , Sanaag iyo Cayn.

Si kasta Hadalka mucaaridka Somaliland ayaa imanaya, xilli uu weli dagaal xoogan ka socda magaalada Laascaanood, islamarkaana uu galay maalintii shanaad oo xiriir ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.