Danjire Caalim” MD Xasan Sheekh ,isagaa Villa- Somalia isaga saari doono”

Danjire Caalim” MD Xasan Sheekh ,isagaa Villa- Somalia isaga saari doono”

Helsinki(Raxanreeb)Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilowgiisa marka uu xafiiska la wareegay ku fashilmay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay hormuudka ka yihiin dadka shacabka si ay isaga dulqaadaan culayska argagaxisada taas oo loo arkayay fursad wanaagsan oo la helay.

Tan ayaa sabab u ah markii si indho la’ aan ah xilalka ugu taxay siyaasiin danlay ah oo aqoon badan u lahayn xilka hase ahaatee ku yimid heshiis siyaasadeed oo baalmarsan nimaadamka dadka ay ku heshiiyeen ee habka awood qaybsiga beelaha taas oo furaysa daaqada guul-darrrada ee dagaalka lagula jiro kooxda aragagaxisada .

Dowladnimada waa wax la wada leeyahay wuxuu indhaha tiray xilka Dawladnimo ee awood qaybsi siyaasadeed ku dhisnaa muddo dheer oo dadka Soomaaliyeed heshiis ay ku ahaayeen waxaana la magaacabay xilal xargaha goystay oo ku yimid siyaasad iyo dano gaar ah oo guracan taas oo ka dhalan doonto natiijo aan la mahdin doonin isla markaana keeni karta fashil .

Marka aan sidaas leeyahay waxaan ka tusaala qaadanayaa sida ay ku yimideen , xilalka Taliyaha Nabad sugidda NISA , Hanti- Dhawrka Qaranka Taliska Booliska Soomaaliyeed oo muran badan ka dhashay maadama Ra’iisulwasaare isku beel ka soo jeedaan , xilalka kale sida loo qaybsaday ee maamulka gobolka Banaadir kuwaas oo dhamaantooda ku yimid nin jeclaysi.
Golaha wasiirada.

BAL : Adiguba wax iska waydii maxaa keenay xilkan nin jeclaysiga ku dhisan ee baalmarsan heshiisyada ku dhisan Dowladnimada oo laga keenay meel fog .

MARKALE : Intaan 4.5 Laga hadlin , dagaalka beelaha Hawiye kula jiraan kooxda Al-Shabaab Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud sidee ayuu u arkaa ?

Tusaale Beesha Xawaadle dagaalka Al-shabaab waxay kaga jirtay Wajiga ugu horeeya Maxay ku wayday xilka siyaasadd a awood qaybsiga ?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagaa Villa Somalia gacantiisa isaga saaraya haddii uu ku sii socdo siyaasadda nin Jaclaysiga ku dhisan.

W.Q Danjire Mahamed Caalim

Falanqayeeye arrimaha siyaasadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.