Muqdisho ( Raxanreeb ) Baraha bulshada maanta oo Axad ah waxaa si aad ah u qabsaday dil toogasho oo ay fulisay Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ka dib xukunka Maxkamadda waxaa soo baxaya war ku saabsan in ninka dilka lagu riday uu ahaa kooxda Al- Shabaab hase ahaatee uusan ku lug lahayn dil Muqdisho loogu gaystay marxuum lagu magacaabi jiray Maxmed Xaashi.
Wasiirkq arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa ka mid ah xubnaha ka falceliyay dilka Maxkamadda ay ku riday xubinta ka tirsanaa Al- Shabaab hase ahaatee loo saariyay sida la hadal hayo dil kale oo Muqdisho uu ka gaystay askari ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Sida muuqata kiiskan wuxuu u baahan yahay hubin, dib u baarid iyo ka fiirsasho badan, waxaana muhiim ah in ehelada daba socota kiiskii ninkaan lagu eedeeyey in la qanciyo isla markaana ninkaan eedeysanaha ah uu asna cadaalad helo ” sidaas waxaa yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Guddoomiye ku xigeenkii hore ee maamulka gobolka Banaadir oo isagana ka jawaab celinayay hadalka Wasiirka arrimaha gudaha ku soo qoray bartiisa Facebook ayaa yiri.
“Oo isagu soo Wasiirkii Gudaha ma ahan waa cidma cidda uu Facebook kala hadlayo?
Eeyaha naarta iyo qofkii mid kamid ah qiil u raadiya labaduba waa mid waana sida uu Madaxweyne Xasan Shiikh ka dhex sheegaymasaajidka Madaxtooyada markii uu dultaagnaa meydkii Shahiid Farxaan Qaroole. Dagaalka Eeyaha naarta waa inuu ahaadaa mid aan laakiin iyo eex laheyn “
Sidoo kale waxaa kiiskan ka hadlay ehalada marxuumka dhintay ee kiiskiisa la marin habaabiyay sida eheladu ay sheegeen.
“Ninkan oo ay Maxkmada Ciiddamada ku xukuntay dil iyadoo ku eedaysay in uu dilay walaalkey Maxmed Xaashi, xaqiiqdii waa waxba kama jiraan.
Waa macquul in uu Al-Shabaab yahay oo uu wax dilay, balse Mohamed hashi waxaa dilay askari katirsan dowladda, waxaana baarayaasha kiiska ay waraysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay.
Waxaan is weydiiyay marka xukunka dhacay ee la sii daayay danbiilihii kiiskiina wiilkana loo saaray oo la rabo in la dilo, meeqo qof oo aan maalin waliba argno Shuute oo leh waxbeey dileen, ayaa sidan oo kale banbi aysan galin loo dilaa.
Dhibka ugu badan waxaa uu haystaa dadka tabarta yar ee wiilkan oo kale uu ka dhashay ” sidaas waxa bartiisa Facebook ku qoray Abdullaahi Hashi Farah oo la dhashay marxuum Maxmed Xaashi.
Marka laga soo tago in ninka Maxkamadda xukunka dil ah ay ku fulisay uu ka tirsanaa Al- Shabaab sida lagu waramay hadana kiiskan la doonayo in loogu saantiro askari ka tirsan Dowladda oo gaystay dilka marxuum Maxmed Xaashi oo ka dhacay Muqdisho.
Leave a Reply