XOWLI : Is-kooxaysi  siyaasadeed ka socda magaalada Muqdisho .

XOWLI : Is-kooxaysi  siyaasadeed ka socda magaalada Muqdisho .

Muqdisho (Raxanreeb )-  Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka  waxaa ka socda isbahaysiyo cusub oo ay ku midaysan yihiin dhinacyo badan oo  ku lug leh siyaasadda dalka.

Magaalada waxaa hore ugu sugnaa masuuliyiin xilal sar sare ugu soo qabtay dalka kuwaas oo ujeedkooda uu yahay ka qayb qaadashada isbedelka siyaasadeed ee dalka ka socda.

Hadda waxaa magaalada Muqdisho xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ay kaga dhawaaqeen Kudlad cusub taas oo la sheegay in ay qayb ka noqon doonto siyaasada dalka.

Waxaa ku jira xildhibaan u badan rug cadaayaal xaga siyaasadda ah iyo kuwa dhawaan gal ah kuwaas oo sheegay in ay qayb ka yihiin dhinacyada doonayaa in dalka uu ka dhaco isbedel siyaasadeed.

Kudladaan cusub oo lagu magacaabo “Kudlada Midnimo Qaran” ayaa Xildhibaannada ku midoobay waxay sheegeen in ujeedkooda uu yahay in ay ka shaqeeyaan midnimada bulshada Soomaaliyeed.

Kudladaan cusub oo lagu magacaabo “Kudlada Midnimo Qaran” ayaa Xildhibaannada ku midoobay waxay sheegeen in ujeedkooda uu yahay in ay ka shaqeeyaan midnimada bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya qorshaha Villa Soomaaliya ay ku doonayso inay wax kaga  bedesho Dastuurka KMG taas oo ay ka taagan tahay buuq badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.