Gaadiid Dhuxul Siday oo Lagu Gubay Duleedka Warmaxan

Gaadiid Dhuxul Siday oo Lagu Gubay Duleedka Warmaxan

Shabeellaha Hoose (Raxanreeb Online): Wararka laga helayo waddada isku xirta Wanlaweyn iyo Afgooye ayaa sheegaya in gaadiid dhowr ah oo dhuxul siday lagu gubay meel u dhow deegaanka Warmaxan.

Gaadiidka dhuxusha qaada ayaa muddooyinkii dambe la kulmayay dhacdooyin la xiriira weerarro iyo gubid, iyadoo falalka noocan ah inta badan lagu eedeeyo kooxda Al-Shabaab.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya cidda ka dambeysay dhacdadan iyo sababta gaadiidka loo beegsaday.

Sidoo kale, lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dhacdada iyo haddii ay jiraan dad wax ku noqday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.