Tigabu Yilma oo Loo Magacaabay Taliyaha Booliiska Gobolka Amxaarada

Tigabu Yilma oo Loo Magacaabay Taliyaha Booliiska Gobolka Amxaarada

Itoobiya (Raxanreeb Online): Sarreeye Guud Tigabu Yilma, oo horey u soo noqday Taliyihii Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM, ayaa loo magacaabay Taliyaha Booliiska Gobolka Amxaarada ee Itoobiya.

Tigabu Yilma ayaa xilkan cusub loo magacaabay xilli gobolka Amxaarada uu wajahayo xaalado amni oo adag, waxaana laga filayaa inuu door ka qaato wax ka qabashada xaaladda amniga ee gobolka.

Taliyaha cusub ayaa ah sarkaal ka tirsan ciidamada militariga Dowladda Federaalka Itoobiya, balse hadda loo magacaabay inuu hoggaamiyo Booliiska Gobolka Amxaarada.

Sida lagu sheegay taariikhdiisa shaqo, Tigabu Yilma wuxuu leeyahay khibrad ciidan oo ku dhow 40 sano, waxaana horey loogu yaqaanay doorkii uu ku lahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.