Gaari weyn oo ku bareeg goostay Suuqa Bakaaraha iyo Khasaaro badan oo ka dhashay.

Gaari weyn oo ku bareeg goostay Suuqa Bakaaraha iyo Khasaaro badan oo ka dhashay.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Gaari weyn oo nuuca xamuulka qaada ah aya ku bareeg goostay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan wadada Jid Mareexaan , waxaana shilkan ka dhashay khasaaro badan.

Inta la xaqiijiyay hal gabar ayaa shilkaasi ku geeriyootay halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan toban qof, dadka dhaawacan ayaa qaarkood qaba dhaawacyo culus.

Allaha u naxariistee gabadha geeriyootay ayaa lagu magacaabayay Najmo Cabdicasiis Cilmi oo kamid ahayd ardayda dhigata jaamacadda Sooomaaliya Ee UNISO, gaar ahaan kulliyadda Culuumta caafimaadka .

Gabadhan ayaa xilligaasi kasoo baxday jaamacadda ay dhiganeysay, waxaa sidoo kale shilkaasi ku dhaawacmay gabar kale oo la socotay , shilka ayaana sababay gaari nuuca xamuulka qaada ah oo soo fariin goostay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.