Ilhaan Omar ma waxay dhex-dhexaadinaysaa Dowladda Federaalka & Puntland ?

Ilhaan Omar ma waxay dhex-dhexaadinaysaa Dowladda Federaalka & Puntland ?

Muqdisho ( Raxanreeb ) Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada dalka Maraykanka ayaa socdaal siyaabo kala duwan loo tarjumay ku kala bixinaysa Muqdisho iyo Garoowe.

Gabadhan ayaa deegaannada Puntland waxa ay kulamo kula soo qaadatay ismida maamulkaas oo inta badan marka fagaarayaasha la joogo ay kala hadashay geeddi socodka dowladnimo ee maamulka Puntland.

Hase ahaatee safarka xildhibaannad Ilhaan ayaa la sheegayaa inuu daaran yahay si ka duwan sida dadka caadiga ah ay u arkaan oo waxa socdaalkeeda ku lamaansan u kala dabqaadidda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ka – hor inta aysan dalka imaan waxaa ay dalka Mareykanka ay kulan gaar ah la sheegay in ay ku wada qaateen Madaxwayne Xasan Sheekh oo booqasho ku joogay dalkaas , waxa ayna ka wada- hadleen dhameynta   xurgufta siyaasadeed ee u dhaxaysa Puntland iyo Dowladda dhexe.

Mrs Ilhaan ayaa kulankaas ka dib waxa ay bilowday dadaalada ay ku doonayso in ay isugu soo dhawayso Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo qof kasta ay kala hadashay wada- shaqaynta labada dhinac iyo in meesha laga saaro wax la kala tabanayo.

Hadda waxa ay magaalada Muqdisho ay kula kulantay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan waxyar uun ka dib kulanka madasha wadatashiga Qaran ee Dowladda iyo maamul- goboleedyada ee ka qabsoomay Villa Soomaaliya.

Inkastoo wali war rasmi ah ka soo bixin dhinacyada , Dowladda Federaalka , Puntland iyo Xildhibaan Ilhaan Omar hadana waxa jira in ay dhici karaan kulamo gooni gooni ah oo udub dhaxaad u ah in la dhameeyo khilaafka muuqda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland , kaas oo soo bilowday wixii ka danbeeyay magacaabista Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.

Leave a Reply

Your email address will not be published.