Gabi ahaan waxaa la xiray goobaha ganacsiga ee Maka Al- Mukarama & sababta

Muqdisho ( Raxanreeb ) Maanta waxa xiran mehradaha iyo dukaamada ganacsi ee ku yaala wadada u dhaxeysa isgoysyada Sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdsho.

Ganacsatada ayaa ka cabanaysa inay waayeen cid wax ka iibsata kadib markii ciidamada amaanku xireen isu socodka gaadiidka wadada hormarta xarumahooda ganacsi.

Wadadan ayaa muddo ku dhaw bil, waxay ciidamada dawladdu ka celinayeen gaadiidka dadweynaha iyaga oo aan sheegin sababta sidaas loo sameeyay.

Ganacsatada ayaa sheegay in mehradahooda ganacsi ay qarka u saaran yihiin inay xirmaan sababbo la xiriira xirnaashiyaha wadada, iyo iyagoo waayay cid wax ka iibsata maadaama meel loo soo maro aanay jirin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.