Waa kuwee seddaxda ilma adeer ee uu – u xiran yahay Xoghayaha SJS Abdalle Ahmed Muumin ?

Waa kuwee seddaxda ilma adeer ee uu – u xiran yahay Xoghayaha SJS Abdalle Ahmed Muumin ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Isniin ah waxa magaalada Muqdisho  ka dhacay kulan- ay isugu yimaadeen Ururrada Warbaahinta ,  suxufiyiinta , agaasimayaasha   iyo  maamulada warbaahinta dalka  ee ka howlgala Muqdisho.

Kulankan ayaa looga hadlay sida Dowladda Federaalka  ay isugu dayayso  caburinta suxufiyiinta Soomaaliyeed , iyo xarigga Xoghayhaha Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed SJS Abdalla Ahmed Muumin oo ilaa iyo hadda  helin wax cadaalad ah.

Xoghayaha SOMA Maxamed  Cusmaan Makaraan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Dowladda ay doonayso in  si sharci-dara ah ay ku hayso xoghayaha SJS Cabdalla Muunin.

‘’ Ila iyo hadda  ma naqaano waxa lagu haysto xoghayaha SJS keliya waxaan u aragnaa xarigaas  mid lagu doonayo in lagu cabsi galiyo warbaahinta madax banana , waa la dhaafay muddayntii dhagaysiga Cabdalle muumin , waxaan leeyahay madaxda Dowladda waa in cabdalla xoriyadiisa la siiyaa ‘’ ayuu ka sheegay kulanka Xoghayaha SOMA Maxamed  Cusmaan Makaraan.

Sidoo kale waxaa kulankan ka hadlay Maxamed Cabdi Wahaab oo ka mid ah  ururka SOMA , wax badan kala socda kiiska  Cabdalle muumin oo ay gadaal ka riixayaan shaqsiyaad la ogyahya , hase ahaatee waxa uu sheegay in taas ay tahay mid aan la aqbali Karin.

‘’ Waxa ay ahayd 35 maalin ka dib in la dhagaysto kiisa Cabdalla muumin , inaga oo taas sugayna ayaa hadana maqlaa in lagu daray kiiskiisa 35 maalin oo dheeraad ah oo aan sharci waafaqsayn waa wax la ogyahay waxa lagu haysto Cabdalla muumin keliya waa maxaa ugu hadlaysaa wariyaasha ‘’ ayuu yiri Maxamed Cabdi Wahaab.

Dhinacyada kulankan ka hadlay waxaa ku jiray Wariye Yuusuf Cabdi shire oo ku hadlayay magaca wariyayaasha ka soo qayb galay kulankan ,  isaga oo sheegay in  xarigga Cabdalla muumin uu muujinayo sawirka aan wanaagsanayn ee Dowladda uu hoggaaminayo  Xasan Sheekh Maxamuuud.

Xoghayaha Warbaahinta iyo xuquuqul Insaanka Maxamed Ibraahim Bulbul ayaa sheegay  in Xoghayaha SJS Cabdalle Axmed Muumin ay haystaan seddax masuul oo isku hayb ah  oo kala ah , Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari ,  Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad iyo  Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadalla.

‘’Waxa haysta Cabdalla  Muumin seddax qof oo isku hayb ah sabab kale oo loo haysto ma  jirto oo aan ka hayn maxaad ugu doodaa warbaahinta , tani waxa ay tusaalle u tahay in  la doonayo in la caburiyo weriyayaasha madax banana , waxaan idin sheegayaa in maanta waxa ka socda dalka aysan ahayn wax wanaagsan , suurtagal ma ah  ii qabo oo ii xir ‘’ ayuu yiri  Maxamed Ibraahim Bulbul

Si kasta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wali wax jawaab ah ama cadayn ah ka bixin sababaha loo haysto xoghayaha SJS Cabdalla Axmed Muumin oo ku xanuunsanaya magaalada Muqdisho isla markaana laga joojiyay dhaq dhaqaaqa ,  inuu   booqdo ehladiisa iyo inuu la kulmo dhaqtarkiisa gaar ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.