Garoowe (Raxanreeb )- Roob ka da’ay deegaano badan oo Puntland ah ayaa sababay in ay jarmaan waddooyin dhawr ah oo muhiim u ah noocyada gadiidka ee u kala goosha Puntland.
Sida warar soo baxaya ay sheegayaan waxaa caqabad ay soo wajahday isticmaalka waddooyinka qaar ka dib markii roob maalmo badan ay ka da’ayeen deegaanada maamulkaas.
Sida ay sheegayaan Daad ku soo rogmaday wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Sinujiif ee gobolka Nugaal ayaa jaray qaar kamid ah buundooyinka laamiga, kuwaas oo sababay inuu istaago isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Buundada Qalqalooc oo u dhaxaysa Sinujiif iyo buundada Midigar ayey jareen biyaha soo rogmaday, waxaana ku xaniban gaadiid badan oo ku safrayey laamiga weyn ee isku xira goboladda Soomaaliya.
Laamiga weyn ee isku xira gobolada Puntland ayaa muhiim u ah isu socodka safarada mana aha markii ugu horreysay oo roobabku ay buundooyinka jaraan.
Puntland ayaa sheegtay dhawr mar ay wax ka qaban doonto dhibaatada ku saabsan waddooyinka uu jaro roobabka taas oo caqabad ku keenta dhamaan isu socodka gadiidka Puntland.
Walaaca kale ee hadda soo baxaya ayaa ah in wali roobka uu ka da’ayo deegaano badan oo hoos yimaada magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
Leave a Reply