Somaliland ‘’ Turkiga  ma imaan karo xeebaheena , waan u   digaynaa‘’.

Somaliland ‘’ Turkiga  ma imaan karo xeebaheena , waan u   digaynaa‘’.

Hargaysa (Raxanreeb )-  Somaliland ayaa go’aan adag ka soo saartay heshiiska  difaacadhanka badda ee  Soomaaliya  ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Turkiga isla markaana soo saartay digniin adag oo ka dhan ah heshiiska labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland  Ciise Keyd Maxamuud ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen Turkiga in ayna iman karin xeebaha Somaliland.

Waxa uu sheegay , Wasiirka in aysan quseyn heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga, waxa uuna sheegay in Turkiga ogyihiin in Somaliland yahay dal ka madax bannaan Soomaaliya.

“Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso – Soomaaliyana ayna u talin. Wax haba yaraatee aanu warwar ka qabnana ma jiro” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray ,  Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr  Ciise Keyd Maxamuud in meel gabagabo ah marayo hirgelinta is-af-garadkii Badda Cas ee u dhexeeyay iyaga iyo Dowladda Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya oo ka carootay heshiiska Somaliland la gashay Itoobiya ayaa dhankeeda heshiis la gashay dowladda Turkiga, taa oo ciidamada badda Turkiga u ogolaanaya in muddo toban sanno ah ilaaliyaan biyaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.