GALGADUUD :  Ciidanka Dowladda & Al- Shabaab oo maanta fooda is daray

GALGADUUD :  Ciidanka Dowladda & Al- Shabaab oo maanta fooda is daray

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo deegaano ka mid ah gobolka galgaduud ayaa sheegaya in halkaas uu ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al- Shabaab.

Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socdo dhulka hawdka ah ee gobolka galgaduud gaar ahaan  deegaannada kala ah; Cali Yabaal iyo Cowsweyne oo ka wada tirsan Gobolka Galgaduud.

Dadka ku nool deegaanadaas ayaa sheegay in la maqlayo dhawaqa hubka culus ee ay is waydaarsanayaan labada dhinac ee Dowladda iyo Al- Shabaab.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in ujeedka dagaalka uu yahay sidii Al- Shabaab loogu saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Mudug iyo galgaduud.

Ciidamada Dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa hawgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada qaar ka mid deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulka Galmudug

Dagaalka maanta ka dhacay deegaannada Galgaduud ayaa ku soo beegmaysa xilli Ciidanka Dowladda  howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen tuulooyin hoos yimaado deegaanka budbud ee Gobolka Galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.