Kalluun si sharci darra ah loogu kalluumaystay xeebaha dalka oo la iibinayo

Kalluun si sharci darra ah loogu kalluumaystay xeebaha dalka oo la iibinayo

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Arbaca ah waxa Maxkamada Gobolka Banaadir lagu iibinayaa kullaan lagu qiyaasay 30Tan oo nooca Tuna ah , kaas oo si sharci darra ah loogu kulluumaystay xeebaha Soomaaliya.

Warqad ka soo baxday maanta Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in kaluunkaas ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed , si sharci aan ahayna loogu kulluumaystay xeebahooda.

Kalluunkan maxkamadda iibineyso ayaa dhan 30 tan oo ah nuucyada Daamberi iyo Tuna cadaan ah , waxa ayna ku war-gelisay shirkadaha iyo ganacsatada tooneysa in ay iibsadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.