Dhusamareeb ( Raxanreeb ) Dowladda Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka ay ku xoreeyeen deegaanka Wabxo.
howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Maalmihii lasoo dhaaafay u fuliyeen ciidanka qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayay si buuxda gacanta ugu dhigeen deeganka wabxo ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo gabi ahaanba laga sifeeyay kooxda Argagxisada ee Alshabaab.
Wabxo waa deegaan ay muddo dhib ku hayeen kooxaha argagaxisada ah, halkaas oo u aheyd muddo badan Fariisin weyn.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo kuwa deegaanka, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug.
Dhamaad
Leave a Reply