Muqdisho ( Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada howlgal ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan qaraxyo ka dhaca lana beegsado goobaha muhiimka ah.
Waddooyinka muhiim ah ee caasimadda qaarkooda ayaa caawa la geeyay ciidanka amniga taas oo ka danbeysay ka dib cabsiaga qabo in weeraaro Al- Shabaab ay ka gaysteen caasimadda.
Goobjoogayaal ayaa RBC u sheegay caawa in wadada xiriira Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan waddada xaafadaha Tabeelaha u dhaw looga shakiyay inuu yaalo gaari looga shakiyay waxyaabaha qarxa halkaas oo xireen ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Dadka shacabka ah iyo madaxda Hotelada ayaa muujinaya feejignaan , waxaana dadka qaarkood xili horeba ka xaroodeen magaaalada Muqdisho sabab la xiriirta cabsida ay qabaan.
Baraha kantaroolada ayaa la sheegaya in caawa lagu kordhiyay ciidamo dheeraad si gaar ahna gadiidka isha ay ugu hayaan waxaana meelaha qaar loo diidayaa gadiidka rayidka.
Si gaar ah waxaa dadka caadiga ah loo diiday in ay isticmalaan wadada hormarta Madaxtooyada taas oo saameysay dadka caadiga ah ee markii hore wadadaas adeegsan jiray.
Si kastaba Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay uga digtay weeraro ay qorsheynayaan Al-Shabaab oo lala beegsado goobaha shacabka.
W .Q Hanad Ali Guled
Leave a Reply