Galmudug (Raxanreeb Online): Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegtay in eedeymaha Puntland ay u jeedisay Galmudug aysan lahayn sal iyo raad, iyadoo caddeysay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya oo dhan, isla markaana uu xaq u leeyahay inuu tago gobol kasta oo dalka ka tirsan.
Madaxtooyada ayaa sheegtay in Galmudug ay qayb ka tahay Soomaaliya, isla markaana Xasan Sheekh uu yahay Madaxweyne u wada ah shacabka dalka oo dhan.
Sidoo kale, Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegtay inay Puntland ka dareemayaan in khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya loo soo riixayo Galmudug, balse ay dhinacooda ixtiraamayaan wada-noolaanshaha iyo xiriirka bulshada ee Gaalkacyo.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kacayaan hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland, Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply