SoDMA iyo UK oo Ka Wada Hadlay Gurmadka Musiibooyinka

SoDMA iyo UK oo Ka Wada Hadlay Gurmadka Musiibooyinka

Muqdisho (Raxanreeb Online): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK), Chris Pycroft.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada iyo saadaasha El Niño, iyo sidii loo xoojin lahaa diyaar-garowga iyo awoodda Soomaaliya ee wax looga qabanayo musiibooyinka.

Agaasimaha Horumarinta UK, Chris Pycroft, ayaa xaqiijiyay in Boqortooyada Midowday ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya iyo bulshada nugul, gaar ahaan xilliyada dalka ay soo wajahaan xaalado bani’aadannimo iyo khataro ka dhasha isbeddelka cimilada.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda UK taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, diyaar-garowga musiibooyinka iyo xoojinta adkeysiga bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.