Ganacsatada Suuqa – Bakaaraha oo jirdil & xarig loo gaystay.

Ganacsatada Suuqa – Bakaaraha oo jirdil & xarig loo gaystay.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Ciidamo isugu jira Boolis iyo kuwa Minishiibiyo ee Maamulka Gobalka Banaadir ayaa weerar ku qaaday Suuqa Bakaaraha iyo Suuq-Bacaad, waxaana xarig iyo jirdil loo geestay qaar kamid ah Ganacsatada iyo madaxdooda.

Ganacsatada ayaa diidan bixinta lacag uu Gobalka Banaadir kusoo rogay taas oo aan la aqoon sharciga ay xambaarsan tahay maadaama ay ganacsatadu bixiyaan canshuurihii kale ee xaqa loogu lahaa.

Dhaqdhaaqa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa in mudda ahba hakad ku  yimid sida ay ku warameen qaar ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ma ayasna ka hadal dhacdadadan lagu  jirday ganacsatada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Maalmo ka hor   , ganacstada suuqa wayn ee Bakaaraha ayaa sameeyay gadood ay ku diidan yihiin in ay  bixiyaan lacago la sheegay in ay soo rogtay Dowladda hase ahaatee aysan ogayn wax loogu qabanayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.