Kumuu ahaa Jeneral Maxamuud Geelle ?

Kumuu ahaa Jeneral Maxamuud Geelle ?

Muqdisho (Raxanreeb )  –Magaalada Muqdisho Waxaa maanta ku geeriyooday Allaha u raxmadee Gudoomiyihii hore ee Maxkamadii Badbaadada dalka, S/Guuto Maxamuud Geelle kaas oo maanta lagu aasay isla  Muqdisho.

Jeneraal Maxamuud Geelle wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee loo magacaabay Maxkamadii Badbaada Dalka oo ahayd Maxkamad si gaara u qaadi jirtay dacwada dadka lagu eedeeyo “kacaan diidka”.

Hadaba  : Kumuu ahaa Jeneral Maxamuud Geelle?

Allaha u raxmadee Jeneral Maxamuud Geelle Yuusuf waxaa uu ku dhashay magaalada Qardho ee gobolka Bari sanadkii 1937-dii.

Waxaa u ahaa sarkaal ciidan oo tababarro kala duwan oo dhanka ciidanka ku soo qaatay dalalka Ruushka iyo Talyaaniga, isagoo ka mid ahaa saddexdii sarkaal ee ugu horeeyey ee loo diro inay aqoonta ciidanka militariga ku soo qaataan kuliyadii tababarka ciidanka ee Modena ee dalka Talyaaniga, iyo laba sano oo magaalada Torino uu tababar ku soo qaatay.

Xilligaas oo ahayd 1959kii waxaa tababarradaas ku wehliyey Muuse Xasan Sheekh iyo Cadde Muuse.

Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa saraakiishii sida firfircoon ugu qayb qaatay inqilaabkii Soomaaliya ka dhacay 21-kii October sanadkii 1969-kii ee xukunka askartu la wareegeen.

Jeneral Geelle ayaa sidoo kale ku jiray liiska 25-kii sarkaal ee la oran jiray Golaha Sare ee Kacaanka, kuwaas oo la shaaciyey magacyadooda ka dib afgambigii ciidanku xukunka kula wareegeen.

BBC Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published.