Nairobi (Raxanreeb ) –Maanta oo Jimcaha waxaa dib loo furay sida wararka aan helayno ay sheegayaan goobaha ganacsiga ee suuqa magaalada Islii ee dalka Kenya.
Suuqa ayaa xirnaa shalay oo Khamiis ah ka dib markii halkaas ciidanka amniga Kenya ay ka bilaabeen howlgal culus oo ay kula dagaalamayaan caanaha booraha oo sharci darro ka ah Kenya.
Arintan ayaa ka danbeysay ka dib markii uu soo fara galiyay xildhibaanka laga soo doorto Kamakuuja Yuusuf Xasan oo sheegay in dib loo furo goobaha ganacsiga maadama uu ka dhamaaday howlgalkaas.
Sida aan wararka ku helnay ganacsata ayaa xiray goobahooda gamacsi kaddib markii xaafada soo galeen ciidamo la sheegay in ay baaritaanno ku sameenayaan dukaamada ay Soomaalidu leeyihiin.
Ciidamo katirsan dowladda Kenya ayaa maalmo kahor galay kuna sameeyay fatash iyo baaritaano dukaamo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.
Leave a Reply