Muqdisho (Raxanreeb ) Isagoo ka hadlayay Golaha shacabka ayaa siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka uu faraha kula jiro arrimaha Dastuurka.
Siyaasigan ayaa sheegay in aysan ahayn wax laga sugayay Guddoomiye Madaalle ka hadalka arrimaha wax ka bedelka Dastuurka taas bedelkeedana ay ka sugayeen inuu wax ka qabto xaaladaha gobolka .
‘’ Ma arrimaha Dastuurka ayaa loo dirsatay Guddoomiyaha gobolka muu wax ka qabto arrimaha gobolkan ka jira ‘’ ayuu sheegay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Maalin ka dib waxa hadalkan ka soo jawaab celiyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho kaas oo sheegay in Cabdiraxmaan uu diidan yahay horumarka dalka.
Waxa uu meel fakaaraha ka difaacday inuu xaq u leeyahay ka hadalka arrimaha Dastuurka maadama ay tahay wax masiiri ah oo loo baahan yahay in laga hadlo.
Labada dhinac ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Guddoomiye Madaalle ayaa hadalo kulul is waydaarsaday , kuwaas oo keenay in la isla dhaxmaro baraha bulshada Soomaalida.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah siyaasiinta , sida aadka ah u diida in wax laga bedelo arrimaha Dastuurka oo uu u arko mid lagu marin habaabinayo hanaanka dowlad dhiska dalka.
Villa Soomaaliya ayaa aad u riixaysa wax ka bedelka Dastuurka taas oo keentay in khilaaf badan uu ka dhasho.
Leave a Reply