Ganacsigii Suuqa Islii ee magaalada Nairobi oo albaabada loo laabay.

SAWIRKA: Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Nairobi (Raxanreeb )- Soomaalida ku nool xaafada Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in maanta oo Khamiis ay xireen goobaha ganacsiga.

Waxa ay ka danbeysay ka dib markii suuqa howlgal fataashaad ah ay ka bilabeen ciidanka Kenya .

Ciidanka ayaa raadinaya caanaha booraha oo sharci darra ay tahay in dalkaas looga ganacsado sida ay sheegeen qaarkood oo warbaahinta la hadlay.

Waxaa la arkayay ciidamo aad u  fara badan oo gudaha u galaya – goobaha ganacsiag suuqyada islii ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa bilowday aroortii hore ee saaka oo Khamiis ah markaas oo dadku ay ku waabariisteen ciidankan.

Dhawr jeer ayaa sidan oo kale ciidanka Kenya waxay howlgalo sidan oo kale ah ay ugu fuliyeen xaafadaha islii ee ay Soomaalida u badan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.