Kismaayo (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose , halkaas oo uu kula kulmayo Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe oo sanado badan jooga xukunka maamulka ayaa la sheegayaa in madaxwaynaha uu kala hadlayo arrimo ku saabsan wax ka bedelka Dastuurka oo u raadinayo taageero.
Madaxwaynaha ayaa kulan albaabadu u laaban yahay la yeeshay madaxwaynaha maamulka Jubbaland si ay iskula eegan helida isbaahaysi ku saabsan Dastuurka.
Puntland oo ah maamulka keliya ee laga hayo diidmada in Dastuurka la furayo iskuma wanaagsana Axmed Madoobe oo waxay ku kala tageen magacaabistii Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare.
Madaxwaynaha Jubbaland lama oga sida uu ula qaadan doono in la furo Dastuurka KMG oo meesha ka saaraya awooda Ra’iisulwasaaraha isla markaana dalka galinaysa nidaam cusub.
Maamul goboleedyada kale ma aysan cadayn wali mowqifkooda qorsha Villa Somalia ee Dasruurka waxaana ka soo horjeestay madaxwaynayaal iyo siyaasiin mug leh.
Isbedelka Dastuurka waxa uu Ololahiisa ugu xoogan uu ka socdaa Villa Soomaaliya waxaana laba waqti dood adag ka yeeshay Barlamaanka labadiisa aqal.
Si kasta waxaa la sugayaa go’aan ay arintan ka qaadan doonaan maamul goboleedyada kale marka laga soo tago maamulka goboleedka Puntland oo khilaaf kala dhexeeyo Dowlada dhexe.
Leave a Reply