GAROOWE : Doorashooyinka & Laascanood oo diirada la saaray

GAROOWE : Doorashooyinka & Laascanood oo diirada la saaray

Garoowe (Raxanreeb ) Madaxwaynaha – maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland kulan kula qaatay Hay’adaha amniga maamulkaas.

Diirada waxaa lagu saaray kulankan muhiimada iskaaashiga Hay’adaha amniga iyo dagaalka xalka aan laga – gaarin ee wali ka socda magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Kulankan waxaa lagu soo hadal qaaday arrimaha  doorashooyinka ku soo aadan deegaanada maamulka Puntland iyo sida ay tahay in loo wajaho amaanka doorashada.

Madaxweynaha Puntland ayaana inta uu kulanka socda waxa uu warbixinno kala duwan ka  dhegaystay saraakiisha ciidanka maamulka Puntland, kuwaa oo madaxweynaha warbixino ka siiyay sugida amniga iyo daruufaha ciidamada ka dhax jira.

Qoraal ka soo baxay Madaxtpoyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni uu kulan la yeeshay saraakiisha kala duwan ee ciidamada sida Daraawiishta, Booliska, Sirdoonka iyo Asluubta.

Madaxweynaha waxa kulanka ku weheliyay wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo la taliyaashi dhanka amniga ah kuwaas oo kulanka ku biiray arrimo ay ka mid ahaayeen , dardargalinta amaanka.

Madaxweyne Deni oo dhawwaan dib ugu soo laabtay Garawe oo maalmo badan ka maqnaa ayaa wada kulamo uu la qaadanayo madaxda maamulkaasi iyo saraakiisha ciidamada

Leave a Reply

Your email address will not be published.