MD Xasan oo UK u diiday ka qayb galka  Caleemasaarka Boqorka UK

MD Xasan oo UK u diiday ka qayb galka  Caleemasaarka Boqorka UK

London (Raxanreeb ) Dowladda Ingiriska oo horay Madaxweynaha Soomaaliyaa Hassan sheikh Mohamud ugu casuumtay in uu ka qeybgalo caleemasaarka boqorka UK oo maalma kadib ka dhici doonta magalaada London ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku wargelisay Villa Somalia in aysan suurtagal ahayn in Madaxweynaha uu ka qeybgalo.

Sababta ugu wayn arintan ayaa lagu sheegaya  maadaama Soomaaliya ay kamid tahay dalalka Ingiriiska uu saaray xanibaad dhanka socdaalka oo aysan diyaaradda si toos ah isaga Kala gooshi karin Muqdisho iyo London taas oo keentay in Madaxwayne Xasan Sheekh laga baajiyo safarka UK.

Sida xogta lagu helayo dowladda Ingiriiska ayaa farriin ay usoo dirtay madaxtooyada Soomaaliya ku war-galisay in laga laabtay casuumaddii ay u fidiyeen Xasan Sheekh lagana saaray liiska xubnaha ka qeyb galaya munaasabada caleemo saarka.

Majirto wali wax jawaab ah oo ay madaxtooyada Soomaaliya kasoo saartay talaabadan, warbaahinta gudaha ee dalkaasi UK ayaa si aad ah u hadal heysa sheekadan oo xiiso gaara u leh.

Madaxweyne Xasan ayaa dhawaan ka qeyb galay aaska boqoradii geeriyootay ee dalkaasi UK, walow aanu xiligaasi Muqdisho ka dhoofin.

Ingiriiska oo kamid ah dalalka reer Yurub ayaa taageerada u fidiya Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhanka dhaqaalaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.