Garoowe (Raxanreeb ) Maanta oo khamiis ah waxaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee Puntland lagu caleema saaro madaxwaynaha dib loo doortay Saciid Cabdullaahi Deni waxaana aad loo adkeeyay amniga caasimaddda.
Magaalada Garoowe waxaa ku sugan madax iyo siyaasiin kala duwan oo lagu mart-qaaday xafladda caleema saarka madaxweyne Siciid Cabdullaahi
madaxda hore dalka u soo martay ee casuumaadda loo fidiyay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase-yeeshee wuu ka cudur daartay in uu munaasabdda uu ka soo qayb galo .
Madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo SSC-Khaatumo ayaa ku sugan Garoowe, sidoo kalena waxaa halkaasi jooga caleemo-saarka Deni ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalk
“Farmaajo wuu ka cudur daartay oo arrin qoys ayuu jadwalku kaga soo aaday,” ayuu yiri wasiir Caydiid.
Inkastoo muddo ay ka soo wareegtay, haddana xilligii uu xilka hayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa dad badan ogyihiin in isaga iyo Deni xiriirkoodu uu xumaa oo weliba madaxweynaha Puntland uu xilligaasi si cad u sheegay in uu xooggiisa isugu gaynayo in meesha uu ka saaro Farmaajo, maadama xilligaasi Farmaajo ahaa musharrax madaxweyne mar kale.
Leave a Reply