GAROOWE : Shir la isugu yeeray Hay’adaha amniga & sababta ka danbeysa

GAROOWE : Shir la isugu yeeray Hay’adaha amniga & sababta ka danbeysa

Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxa  lagu qabtay kulan ujeedkiisu uu ahaa sugidda amniga magaalooyinka Puntland , kaas oo ay isugu yimaadeen  laamaha amniga.

Saraakiisha amniga  Puntland ayaa kulankooda maanta ku soo hadal qaaday sida ay tahay in loo sugo amniga  oo la dardargalyo inta lagu  jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Kulankaan ayaa Waxaa shir gudoominaayay Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cawil Mataan waxana ka qeyb ahaa Masuliyiin ka socday Laamaha Taraafikada Puntland.

Xubnihii ka qayb ahaa kulanka ayaa soo jeediyay in ciidamo dheeraad ah la dhigo waddooyinka muhiimka ah si loo  ilaaliyo badqabka iyo amniga muwaadiniinta cibaadaysanaya.

Dhamaan  Saraakiisha Gobalka Nugaal ayaa loo jeediyay in Bisha Ramadaan ay shaqeeyaan maalin iyo Habeen si loo dardar galiyo Amniga isagoona Bulshada ugu baaqay in ay xoojiyaan lashaqeynta Ciidamada.

Maamul goboleedka Puntland ayaa  xoog  ku bixinaya sugidda amniga degaanada maamulkaas  inta lagu jiro  bisha barakeysan ee Ramadaan,  maadaama inta badan laga cabsi qabo inay weeraro degaannadaas ka geystaan Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.