DEG -DEG : Hoobiyaal lagu garaacay Villa- Soomaaliya.

DEG -DEG : Hoobiyaal lagu garaacay Villa- Soomaaliya.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho maqribnimadii caawa waxaa mar qura laga maqlay dhawaqa hoobiyaal ku dhacaya xaafadaha Muqdisho.

Tiro badan oo Hoobiyaal ah ayaa ku dhacay agagaaraha xarunta Madaxtooyada oo ku taala Degmada Wartanabadda ee Magaalada Muqdisho.

Qalqal ayaa mar qura waxa – galay dhaq- dhaqaaqa meelo badan oo magaalada magaalada Muqdisho , meelaha qaarna waa lagu kala cararay.

Ma jirto cid sheegtay weerarada hoobiyaasha ah waxaa la rumaysan yahay in ay ka danbeeyaan kooxda Al- Shabaab oo bishan oo kale weeraro ka gaysta Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay u diyaargaroobayso sugidda amniga suurtagalnimada in kooxda Al- Shabaab bisha Ramadaan weeraro ay gaysan karaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.