Golaha Wasiiradda oo baggaadiyay Abaabulka Beelaha dagaalka Alshabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda oo looga hadlay xoojinta qorshayaasha sugidda amniga, dar-dar galinta Gurmadka Abaaraha iyo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Shirka oo warbixinno looga dhagaystay wasiiradda Amniga, Arrimaha gudaha iyo Maaliyadda ayaa ugu horayn Wasiirka Arrimaha gudaha looga dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha gurmadka lagu samata bixinayo shacabka Soomaaliyeed, iyo sida ay laga maarmaan u tahay in la sii xoojiyo gurmadka si loo badbaadiyo malaayiin ka mid bulshadeenna oo ay saameysay abaartu.

Wasiirka Amniga gudaha ayaa shirka ku soo bandhigay warbixin la xiriirta howl-galladii ugu danbeyay ee ciidamada qalabka sida ee ka sameyeen dhinacyada sugidda amniga ,iyo xasillinta deegaanada laga xorreeyo nabad-diidka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa warbixin muhiim ah ka siiyay halka uu marayo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si looga mira dhaliyo hadafka weyn oo suurta galinaya isku filnaansho dhaqaale , sare u qaadista shaqo abuurka, soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo dhiirri-gelinta wax soo saarka Dalka iyo horumarka bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.