GAZA :  Israa’iil oo kordhisay duqeynta ay ka gaysanayso Rafax.

GAZA :  Israa’iil oo kordhisay duqeynta ay ka gaysanayso Rafax.

Gaza  (Raxanreeb )- Milateriga Israa’iil ayaa duqeeyay guri ku yaalla bartamaha magaalada Rafah ee koonfurta Gaza, halkaas oo ay ku dileen laba qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa. Ma jiraan dhaawacyo kale oo la soo sheegay.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale beegsaday deegaanada Janin iyo al-Farahin oo dhanka bari kaga beegan magaalada Abasan al-Kabira ee Khan Younis.

Bartilmaameedka ayaa dadka deegaanka ay ku sheegeen inuu ahaa dagaal yahan lagu magacaabo Islam Khamaysa oo ka tirsan guutada Jenin ee garabka melleteriga ee Jihaad Islaami ah oo falastiiniyiin ah, kaasi oo ay baadi goobayeen ciidamada Israel.

Guriga la weeraray ayaa ku yaalla bartamaha xeradan oo ay dadku ku badan yihiin.

Dhammaan dadkii gudaha ku jiray ayaa loo malaynayaa inay ahaayeen dagaalyahanno iska caabin ah oo Falastiiniyiin ah.

Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinaya baabuurta gurmadka deg deg ah oo ku soo yaacay goobta iyo dad la keenay isbitaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.