La-taliyaha Amniga Xasan  Xuseen Macallin ‘’AS ma dhaafi doonan bilaha soo socda ‘’.

La-taliyaha Amniga Xasan  Xuseen Macallin ‘’AS ma dhaafi doonan bilaha soo socda ‘’.

Muqdisho (Raxanreeb )- Xilli dhowaan la filayo in dagaalka ka dhanka Al-shabaab dib loo bilaabo ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in bilaha soo aadan lasoo gabagabeynayo dagaalka kooxda, ciidanka xoogga ayaa waxaa ay soo gabagabeeyeen diyaargarow muddo socday iyo isku shaandheynta ciidanka qeybihiisa.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin ayaa sheegay in qorshihii dowladda ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, aanu ‘waxba iska bedelin’ isaga oo intaas ku daray in qiyaasta dowladda ay tahay in Al-shabaab ‘aysan dhaafi doonin bilaha soo socoda oo lagu soo afjaro.

Xuseen Macalin mar uu ka hadlayay marxaladda ay ku sugan yihiin madaxda Al-shabaab ay ku jiraan ayuu sheegay in Al-shabaab ay ku jiraan marxalad adag, taas oo ka dhalatay weerarrada lagu qaaday, waxaana uu rajo ka muujiyay in madaxdooda ay isdhiibaan maadaama aysan xamili Karin dagaallada ku imaanaya.

Hadalka kasoo baxay lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa imaan xilli hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ay  sidoo kale taageera duqeymaha Mareykanka iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM laga gaaray guulo waaweyn oo lagula wareegay deegaanno badan oo dalka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib dib u doorashadiisii ku dhawaaqay dagaal dhawr weji ah oo ka dhan ah Al-shabaab, iyada oo wixii intaas ka dambeeyay deegaanno ka tirsan Galmudug, Hirshabelle, Jubaland iyo Koofur Galbeed ay ka dhaceen kacdoon lagaga soo horjeedo AL-shabaab

Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab waxaa sidoo kale taageera duqeymaha Mareykanka iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published.