GAZA :  Shaqaalle Gargaar oo  ciidanka Israa’iil ay beegsadeen.

GAZA :  Shaqaalle Gargaar oo  ciidanka Israa’iil ay beegsadeen.

GAZA (Raxanreeb )- Warar kala duwan ayaa soo baxay duqeymo ciidanka Israa’iil ay ka gaysteen goobo ay ku sugnayeen dad shacab ah  marinka Gaza halkaas oo dhawr jeer ay duqeeyeen ciidanka.

Duqeymahaas waxa ku dhintay sidoo kale sida wararka ay sheegayaan shaqaalle gargaar ah oo ku sugnaa marinka Gaza.

Kooxda gargaarka ee fadhigeedu yahay Mareykanka ee World Central Kitchen ayaa xaqiijisay in toddobo ka tirsan shaqaalaheeda ay Israel  ku dileen duqeyn xagga cirka ah oo laga sameeyay Gaza

Hay’adda ayaa sheegtay in shaqaalahaasi  lagu dilay weerar toos ah oo ay fuliyeen ciidanka Israa’iil, waxaana dadka la dilay ay ka soo kala jeedaan Falastiin, Australia, Poland, UK, iyo labo heysta dhalashada Mareykanka iyo Canada ah.

Israa’iil ayaa marar badan duqeymo waxa ay ka fuliyeen deegaano dhawr ah oo ka mid ah Marinka Gaza halkaas oo shaqaalle gargaar iyo dad rayid ahba ay ku dileen.

Ra’iisulwasaaraha Israa’iil ayaa sheegay  dhawr jeer in ciidankooda uusan ujeedkooda ahayn beegsiga shaqaalaha gargaar ee ku sugan marinka GAZA halkaas duqeymo joogta ah ay ka dhacaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.