Toogasho ka dhacdey Iskuul ku yaala dalka Finland + khasaaraha jira.

Toogasho ka dhacdey Iskuul ku yaala dalka Finland + khasaaraha jira.

Vantaa (Raxanreeb )- Hal cunug ayaa geeriyooday labo cunug oo kalana dhaawac daran ayaa soo gaaray kaddib markii uu cunug kale rasaas ku furan dugsiga hoose-dhexe ee Viertola, qaybtiisa Jokiranta, magaalada Vantaa.

Booliska ayaa qabtay cunugga rasaasta ku furay ardayda kale waxaana goobta ka taagan xaalad cakiran iyo argagax.

Booliska ayaa sheegay qofka toogashada geystey in uu yahay cunug yar kaas oo toogtey arday kale oo ay isku fasal ahaayeen iskuulka Viertola ee magaalada Vantaa.

Dugsiga Viertola waa dugsi ay dhigtaan ilaa 800 oo arday. Dhamaan ardeydii ayaa laga daadgureeyey goobta, waxana soo gaarey ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Finland ay gilgisho toogasho ka dhacday goob iskuul. Toogashooyinka ugu dhimashada badnaa ayaa dhacay 2007 iyo 2008, markaasoo sagaal iyo kow iyo toban qof la dilay, siday u kala horreeyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.