GEDO: Itoobiyan-ka oo dadaal ugu jira in la furo duulimaadyada

GEDO: Itoobiyan-ka oo dadaal ugu jira in la furo duulimaadyada

Garbahaaray ( Raxanreeb ) Gobolka Gedo degmooyin ka mid ah waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo in dib ay u furmaan duulimaayda Muqdisho iyo gobolkaas.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in saraakiisha ciidanka Itoobiya ay fara galiyeen sidii loo xalin lahaa duulimaadyada tagaya degmooyinka gobolka Gedo oo ku xiran nolosha dadka deegaankaas.

Tan iyo shalay waxaa magaalooyinka gobolka Gedo ka socday dadaal lagu doonayo in xal rasmi ah laga gaaro khilaafka sababay in diyaaradaha ay tagi waayaan degmooyinka Gedo.

Maamulka gobolka Gedo ayaa kol hore sheegay in aysan ogolaan doonin in  gobolka Gedo ay tagaan xubno ka socda maamulka Jubbaland oo khilaaf xooggan uu ka jiro.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku dayaysa in degmooyinka gobolka Gedo ay gayso xubno ka amar qaata maamulka Axmed Madoobe

Axmed Madoobe ayaa siyaasiinta ka soo jeeda gobolka Gedo waxa ay  ku eedeyeen inuu keligiis dhistay maamulka gooni ah , kaas oo sanado badan ka talinaya keliya magaalada Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.