Jowhar ( Raxanreeb ) Farumaha dagaalka ee deegaanada gobolka Shabeellaha dhexe waxaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan xaalad ka dhalatay amar uu bixiyay Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen Odowaa Yuusuf Raagge ayaa lagu soo waramayaa inuu amray Askarta iyo Saraakiisha Ciidanka xoogga iyo kuwa Deeggaanka iney isaga baxaan furimaha dagaalka
Deegaanada Taliyaha in ciidanka iyo dadka deegaanka ay banayeen ayaa ah qaybo ka mid gobolka shabellaha dhexe.
Ilaa iyo hadda lama oga Amarkan Taliyaha waxa keenay taas oo keentay markii dambe in ay ka horyimid xubno uu hogaaminayo Xil Yuusuf Kabaale, Saraakiil ciidanka xooga dalka ka tirsan iyo Dadka deeggaanka.
Taliska ciidanka xoogga dalka ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo uu ka soo saaray amarka ah in ciidanka Dowladda iyo kuwa deegaanka ay faarujiyaan deegaano ka mid ah furumaha dagaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Leave a Reply