Odowa  oo amar ku bixiyay in ciidanka DF & kuwa deegaanka ay baneeyaan “Jiidda” dagaalka.

Jowhar ( Raxanreeb ) Farumaha dagaalka ee deegaanada gobolka Shabeellaha dhexe waxaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan xaalad ka dhalatay amar uu bixiyay Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen Odowaa Yuusuf Raagge ayaa lagu soo waramayaa inuu  amray Askarta iyo Saraakiisha Ciidanka xoogga iyo kuwa Deeggaanka iney isaga baxaan furimaha dagaalka

Deegaanada Taliyaha in ciidanka iyo dadka deegaanka ay banayeen ayaa ah   qaybo ka mid gobolka  shabellaha  dhexe.

Ilaa iyo hadda  lama oga Amarkan Taliyaha waxa keenay  taas oo  keentay markii dambe in ay  ka horyimid xubno uu hogaaminayo Xil Yuusuf Kabaale, Saraakiil ciidanka xooga dalka ka tirsan iyo Dadka deeggaanka.

Taliska ciidanka xoogga dalka ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo uu ka soo saaray amarka ah in ciidanka Dowladda iyo kuwa deegaanka ay  faarujiyaan deegaano ka mid ah furumaha dagaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.