MUQDISHO : Imamkii Masjidka  Dabaqeynka ee degmada Dharkeenlay  oo lagu toogtay degmadaas.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Koox hubeysan ayaa caawa Muqdisho ku toogtay Sheekh Cabdicasiis oo ahaa imamka masjidka Dabaqeyn ee degmada Dharkeenley ee Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lama oga sababaha dilka ka danbeysa dilka imankan oo aad loogu – yaqaanay xaafadaha  Dabaqaynka ee degmada Dharkeenlay ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Dharkeenlay ayaa sheegay in dilka ka dib goobta ay soo gaareen ciidanka maamulka degmada kuwaas oo ilaa iyo hadda cidna u soo qaban dilkaas.

Sidoo kale maamulka degmada Dharkeenlay wax war ah ma aysan ka soo saarin sida uu u dhacay dilka imaan Cabdicasiis oo ahaa wadsaad aad loogu yaqiinay degmada .

Magaalada Muqdisho , waxaa ka dhacay maalmihii la soo dhaafay dilal loo gaystay dad rayid kuwaas oo ilaa iyo hadda la ogayn waxa uu salka ku hayo dilalkooda , dowladna kama hadlin xaaladaha ka jira caasimadda .

Leave a Reply

Your email address will not be published.