Generaal Odowaa ” Waan soo afjaraynaa Al- Shabaab ”

Muqdisho (Raxanreeb ) Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ku guulaysteen in deegaano – badan oo gobolada dalka ah ay saaraan kooxda Al- Shabaab , isla markaan ay wadaan howlgalada ay ku doonayaan in ay ku gaaraan deeganada kale ee ay Al- Shabaab kaga sugan yihiin dalka.

“Argagixisada ugma tanaasuli doonno in Dadka Soomaaliyeed laga dul qaado, wax badan ayay isku dayayaan Laakiin Dadka Soomaaliyeed & Qaranka Soomaaliyeed midna cabsi gelin mayso, mar haddii aan dagaal ku jirno Dad badan oo qalbiyadeena ku wayn oo aan aad & aad u dareemi doonno ayaa naga dhimanaayo balse waxaa ka weyn yoolka aan u socono oo ah in Dadka Soomaaliyeed ay helaan Xorriyad & Nabad” Gen. Odawaa Yuusuf.

Taliyaha waxa uu intaas warkiisa ku daray in qorshaha socda uu yahay mid ay ku doonayaan in ay cagta ku mariyaan sida uu hadalka u dhigay kooxda Al- Shabaab oo uu yiri ” sanado badan waxa ay dhibaato ku hayeen dadka shacabka ah ”.

Dagaalka hadda ka socda qaar kamid ah gobolada dalka ayaa waxaa noloshooda ku waayay saraakiil sar sare iyo askar badan kuwaas oo qayb ka ahaa howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.