Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxa aad hoos ugu dhacay qiimaha shidaalka oo markii hore ahaa mid aad u sareeya isla markaana saamayn ku yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Shidaalka wuxuu ka yimid qiimo dhan $1.9, haddana wuxuu hoos uga dhacay qiimo dhan 0.9 , taas oo ka dhigan in shidaalku uu gaaray meel aad ugu wanaagsan sidii hore.
Arrintan waxa si wanaagsan u soo dhaweeyay wadayaasha gadiidka magaalada Muqdisho oo markii hore sheegi jiray in cabasho ay ka qabaan kororka qiimaha shidaalka .
In kastoo qiimaha shidaalka uu hoos u dhacay ayaa hadana waxa ugu badan ee dadka su’aala ay galinayaan , sida ay ugu warhayaan arrintan shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho.
March 15, 2022 Shirkadaha korontada BECO, Blue Sky iyo Muqdisho Power ayaa qiimihii hore ee Halkii KW ku kordhiyay lacad dhan (.10$ -Toban Senti ku dhowaad 30%), waxayna ku doodeen inay xaaladda la socon doonaan markii ay ku darayeen qiimahan oo ay u daliilshadeen xaaladda COVID-19-ka.
Qiimaha shidaalka hoos ayuu u dhacay , waxaana weli muuqanaysa in shirkadahan ay taagan yihiin qiimaha ahaan lacagihii ay ku kordhiyeen shacabka oo aysan jirin wax isedel ah oo ay sameeyeen ilaa iyo hadda.
Lama oga waqtiga ay ku baraarugi doonaan , shirkadaha korontada bixiya isedelka qiimaha shidaalka suuqyada magaalada Muqdisho , lama hayo war ka soo baxay masuuliyiinta oo ku aadan in ay wax ka bedeli doonaan qiimihii ay mar hore ay ku kordhiyeen.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa inta badan wajaha dhibaatooyin dhinacyo badan , taas oo ka dhalatay nidaamka Dowladnimo oo aan sal -adag lahayn isla markaana aysan jirin jaangoyn la isla ogyahay oo ka timaada Dowladda iyo ganacsatada.
Leave a Reply