Go’aanka DF iyo Al- Shabaab oo sababay in Warbaahintu ay ku dhacdo Af- Libaax.

Go’aanka  DF iyo Al- Shabaab oo sababay in Warbaahintu ay ku dhacdo Af- Libaax.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Dalka meelo ka mid ah waxaa ka socda dagaal ka dhan ah Al- Shabaab oo ay iska kaashanayaan Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kooxaha kacdoonka , si gaar ah kuwa la magac baxay Macwiislayda.

Dagaalkan oo wali ka sii socdo meelo ka mid ah dalka waxaa ka bar barsocda howlgalada joogta ah ee ay ee ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ka fuliyaan goobaha kale ay kusugan yihiin kooxda Al- Shabaab.

In la tabiyo wararkan iska soo horjeeda si waafaqsan , xeerarka saxaafadda waa mid xaq ay u leeyihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed , maadama ay yihiin adeegayaal gudbinaya sida ay u dhaceen baahiyaana dagaalada iska soo horjeeda iyo guulaha ay kala sheegtaan labada dhinac.

HADABA : Dowladda ayaa soo saartay go’aan ka dhan ah tabinta wararka ku saabsan kooxda Al- Shabaab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ay kala soo horjeedo , waxaana go’aankaas Dowladda wakiil uga ahaa Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al- Cadaala.

Go’aanka Dowladda ee ay ku soo rogtay wariyayaasha ayaa la saadaalinayaa saamaynta xun ee uu ku yeelan doono dhammaan warbaahinta , iyadoo loo beegsan doono sababaha ay u baahiyeen warka Al- Shabaab , maadama ay ka mid yihiin dhinacyadda Dowladda ka soo horjeeda.

Haddii Dowladdu ay ku doodayso waxaa la baahinayaa afkaarta iyo dagaalka ay qaadaan Al- Shabaab ,HADABA warbaahinta suuban markii horeba waxa ay u tabin jirtay dhinac kasta warka ka soo baxo si waafaqsan xeerarka iyo anshax sugan ee warbaahinta.

Suxufiiyiin badan ayaa su’aal ka keenay sidee loo tabin karaa , Haddii dagaal uu dhaxmaro Dowladda iyo Al- Shabaab ,ma keliya waxaa la baahinayaa dagaal baa dhacay , lama oga cida uu u dhaxeeyo ama waxa la baahinayaa halka dhinac ee Dowladda oo la leeyahay Dowladda ayaa duulaan qaaday LAMA FAHMI KARO halkaas sida Dowladda ay ka yeeli doonto.

Al- Shabaab dhankooda war ayay ka soo saareen waxa ay ku sheegeen in talaabo laga qaadi doono warbaahintii qaadata amarka Dowladda si la mid ah warka ka soo baxay Dowladda, waa hanjaad kale oo aan la dhayalsan karin loona baahan yahay in warbaahinta iyo wariyayaasha ay ku eegaan indho gorgor.

Loolan baa durbadiiba ka dhashay go’aanka dowladda keliya waxa ay labada dhinac ka siman yihiin hanjabaad Warbaahinta madaxbanaan oo markii horeba ku dhax shaqaynaysa af- libaax dhaxiisa.

Waxaa muuqanaysa , saamayn aan saadasheeda wanaagsanayn oo soo gaari doonta Weriyayaasha haddii aan hadda waxba laga qaban ama lagu baraarugin go’annadan iska soo horjeeda ee Dowladda iyo Al- Shabaab.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka wali sida aad ah loogu dhibaateeyo suxufiyiinta kuwaas oo aan ilaa iyo hadda jirin cid loo ciqaabay dambiyada sida joogta ah loogu gaysto warfidiyeenka Soomaaliyeed.

W.Q Hanad Ali Guled

Leave a Reply

Your email address will not be published.