Gobolka Banaadir Go’doonsan & sabab !!

Gobolka Banaadir Go’doonsan & sabab !!

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ka da’ay roobab xoog badan oo saamayn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gadiidka magaalada.

Biyo aad u xoogan ayaa fadhiistay waddooyin muhiim ah oo magaalada Muqdisho taas oo keentay in meelaha qaar la socon waayay isla markaana ay noqdeen  godod waa wayn.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo wajahay caqabad dhanka isu socodka ah ka dib markii gadiidka uu shaqayn waayay sabab la xiriirta waddooyinka oo  jaray  biyaha.

Qiimaha gadiidka ayaa sidoo kale wax badan ay iska bedeleen , taas oo keentay in dadka ay ka soo yeerto cabasho  la xiriirta isu socodka.

Dhismaha waddooyinka oo aad u liita ayaa keenay  in meelaha qaar ee caasimadda ah ay noqoto biyo  fariisin , isla markaana gadiidka uu mari waayay.

Ma jirto wax qorshe ah oo ku saabsan , burburka waddooyinka iyo biyo fariisinka caasiamadda oo meelaha qaar isu  bedeshay boholo.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa marar badan waxa uu sheegay inuu la imaan doono qorshe la xiriira dhismaha waddooyinka si dadka ay u helaan marino wanaagsan oo ka duwan kuwa hadda ka jira caasimadda

Leave a Reply

Your email address will not be published.