Musevani oo haya xalka dhibaatada Soomaaliya

Musevani oo haya xalka dhibaatada Soomaaliya

Kampala ( Raxanreeb )  Madaxwaynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa sheegay in rejo wanaagsan uu ka qabo in la soo afjari doono dhibaatada ka jirta Soomaaliya in ka badam soddon sanno

Madaxwaynaha Uganda ayaa sheegay in wadamo badan oo Geeska Afrika la xaliyay dhibaatooyinkii ka jiray Soomaaliya- na sidaas oo kale ay u xalin doonaan.

Madaxweyne Museveni waxa uu sheegay in Afrika ay horay u xalliyeen dhibaatooyin la mid ah, tan Soomaaliya  isagoo tusaale u soo qaatay arrintii Idi Amin ee Uganda, oo Tanzania lagu xalliyay, iyo arrinta Burundi oo Bariga Afrika ay xalisay.

“Waxaan ku kalsoonahay in tan Soomaaliya sidaas oo kale ay u xalin doonaan madaxda qaarada Afrika ” ayuu yiri Madaxwaynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

Hadalkan ayaa Madaxwaynaha Uganda Yoweri Museveni ka sheegay Shir-madaxeedka aan caadiga ahayn ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee   lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada ee Entebbe.

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa  xilligan ah Guddoomiyaha Madaxda Waddamada ciidanka  ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Leave a Reply

Your email address will not be published.