Muqdisho (Raxanreeb ) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada dadaalo uu ku doonayo inuu wax kaga qaybto dhibaatada faraha badan eek a jira magaalada Muqdisho kuwaas oo ay gaysanayaan , kooxaha cayaal-weerada ah.
Ilaa iyo hadda maamulka gobolka Banaadir kuma guulaysan inuu wax ka qabto xaaladda amni ee caasimada iyo duleedyada magaalada Muqdisho oo dadka ay sheeganayaan dhibaatooyin badan.
Kulan ujeedkiisa uu yahay wax ka qabashada amniga caasimadda iyo duleedyadeeda ayaa lagu qabtay deegaanka Garasbaalay ee magaalada Muqdisho kaa soo ay masuuliyiin Dowladda ka qayb galeen.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay tiro koob badan ay ku samayn doonaan goobaha lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya ee caasimadda.
Inkastoo dadaaladan ay socdaan hadana wali waxa muuqanaysa in aan lagu guulaysan wax ka qabashada falalka cayaal weerada iyo kooxaha iibiya waxyaabaha maanka dooriya.
Kooxda Al- Shabaab dhawaan waxa ay dhankooda ay sheegeen in ay bilaabeen howlgal ay kula dagaalamayaan kooxaha cayaal-weerada iyo kuwa maandooriyaha ka ganacsada.
Leave a Reply