Shilgaari oo sababay dhimasho & dhaawac oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (Raxanreeb ) Shil-gaari oo sababay dhimasho  iyo dhaawac ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay Degmada Karaan ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in shilkan ay ku dhinteen laba qof  – halka seddax kalana ay ku dhawaacmeen.

Shilka ayaa yimid kadib markii Gaari nooca Soomaalida u taqaano Candho-meydlaha uu jiiray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad Shacab ah.

Ciidanka  Ilaalada waddooyinka ayaa gacanta ku soo dhigay  wadaha – gaariga xamuulka ahaa kaas oo la dhigay  xabsiga.

Xubno ka mid ah ilaalada waddooyinka ayaa uga digay wadayaasha gadiidka in si xowli ah u wadaan gaariga isla markaana ay muujiyaan masuuliyadda.

Dhaawacyada dadka waxyeelada ay soo gaartay  oo halis ahaa ayaa loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho.

Inta badan cariiriga waddooyinka  ka jira iyo maamul la’aanta waddooyinka ayaa keena shilalka joogta ah eek a dhaca magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.