Gobolka Galgaduud  kama  dhamaan dagaalada ka bilowda daaqsinka iyo Biyaha

SAWIRKA: Magaalada Cadaado.

CADAADO (Raxanreeb) Laba qof ayaa ku geeritootay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib iska hor imaad Arbacadii ka dhacay degaanka Baalle oo kaabiga ku haya deegaanka Dhagax-dheer  oo hoostaga degmada Cadaado.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii laba  beelood oo Oodwaag ah  ay ku murmeen ,  ceelbiyood ku yaalla degaanka Baalle halkaas oo dhawr jeer  ay ka dhacaan dagaalo , sidan oo kale ah.

Maamulka  Galmudug wali  wax war ah ma uusan ka soo saarin dagaalkan oo la sheegay in degaanka uu ka socday mudo 5- saac ah.

Dadka ,  dhaawac uu soo gaaray  ayaa la soo qaaday  goobo caafimaad oo ku yaala magaalada Cadaado halkaas oo lagu dawaynayo.

Degaano dhawr ah oo gobolka galgaduud wali ma aysan ka dhamaan dagaalada salka ku haya qaba’ilka kuwaas oo inta badan ku murma daaqsinka iyo biyaha.

Maamulka Galmudug ayaa  marar badan isku dayay in uu wax ka qabto dhibatooyinka ku saabsan dagaalada ku bilowda ,  daaqsinka iyo biyaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.