Muqdisho ( Raxanreeb ) Sida qorshuhu yahay sanadkan inta uusan dhamaan ayaa lagu wadaa in uu furmo fadhiyada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.
Ilo xog ogaal ah ayaa RBC u sheegay in kalfadhiga 4-aad u furmi doono maalinta Sabti 25-November-2023-ka.
Golaha Shacabka ah ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa waxa horyaala qodobo badan oo muhiim ah oo la xiriira xaaladda dalka hadda uu ka jiro.
Waxaa la saadalinayaa in Kalfadhiga 4aad ee Barlamaanka 11aad uu yeesho doodo adag waxaana maalmahan jiray guux la xiriira isbedelka uu la imaan karo Golaha shacabka.
Sida Dastuurka KMG uu qabo Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa furaya fadhiga Barlamaanka Soomaaliya oo uu ka jeediyo khudbada Dastuuriga ah.
Leave a Reply