Golaha Shacabka Beri ma mooshin- baa horyaala ?

Muqdisho ( Raxanreeb ) Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Beri oo sabti ah kulan ku- yeesho magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo qorhuhu ahaa in uu tago Baydhabo ayaa u baaqday sida RBC ogaaday kulanka Golaha shacabka.

Kulanka Golaha shacabka ayaa lagu waramayaa in loogu doodi doodo qodobo xasaasi ah ah iyo in ay meelmariyaan Hidinse sharciyeed horyaala Golaha shacabka.

Warar RBC uu helayo ayaa sheegaya in suurtagal ay tahay in Golaha shacabka la horkeeno mooshin , isla markaana gacanta loo galin doono Guddoomiye Aadan Madoobe.

Mooshinka ayaa lagu waramayaa inuu ku wajahan yahay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji , inkastoo si rasmi ah loo hayn warar kale oo madax banaan.

Si kasta waxaa la dhawrayaa kulanka Golaha shacabka ee Beri iyo waxa ay la imaan doonaan mudanayaasha Golaha shacabka Soomaaliya.

15 kii Bishan November madaxweynaha Dowladea  Federaalka  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daahfuray kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.