Qarax ka dhacay degmada Wadajir & faahfaahin ka soo baxaysa.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxana wararku sheegayaan in Saldhigga Booliska degmada Wadajir lagu tuuray Bam gacmeed.

Lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay qarxan ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Maamulka degmada Wadajir ee qaraxa uu ka dhacay ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo la xiriira khasaaraha qaraxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.