Muqdisho (Raxanreeb ) Golaha shacabka Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah dood ka yeelanaya dhawr qodob oo loo baahan yahay in ay dood adag ay ka yeesheen.
Fariimo loo diray xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wargaliyay in maanta uu jiro fadhiga Golaha shacabka isla markaana laga hadli doono :
1 – Dhageysiga Warbixinta dhibaato weyn oo ka jirta Gobolka Bakool.
2 – U codeynta labo Habdhawre ku-Xigeen oo magacaaban.
3 – Doorashada xubnaha Guddiga kor-joogteynta dib u eegista Dastuurka KMG ah ee dalka.
4 – Iyo Xiritaanka kalfadhigaan 1-aad ee Golaha shacabka – BFS.
Maalintii Axad ah ee todobaadkan kulan Golaha shacabka ay ku yeesheen xarunta Villa Hargaysa ayay doorteen uddoonada 14.
Si kale isla maalintaas ayaa xarunta Golaha shacabka lagu dhaariyey Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxweynihii hore ee dalka oo xubin aan dhicin ka noqonaya golaha shacabka.
Ka hor inta aan la dhaarin Madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa jiray buuq ka dhacay xarunta Golaha shacabka oo u horkacayay , xildhibaanada Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dood adag geliyey xubinimada Farmaajo ee baarlamaanka.
Leave a Reply